Tuesday, August 11, 2026

DFS oo digniin u dirtay dadka ku howlan Tabriibka iyo kuwa ka shaqeeya

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud  ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah ee laga dhaxlay tahriibka qatarta ah ee lagu daabulayo dadka doonaya in ay naftooda ku biimeeyaan safarro dhanka dhulka ah iyo sidoo kale safarro xagga badda ah.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xusay in dhallinyaro badan ay naftooda ku waayeen socdaallo aan sharci aheyn oo ay soo abaabulaan kooxaha wax tahriibiya oo aan u naxeyn ama aan u tureyn bulshada,gaar ahaan dhallinyarada.

Xeer Ilaaliyaha waxa uu ka codsaday dhallinyarada in ay gartaan qiimaha ay ku dhex leeyihiin nulshada,isagoo ka dalbaday qeybaha waalidiinta in ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada dambiyada la xiriira masaafurinta dadka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud waxa uu soo jeediyay in cid kasta oo heysa xogaha tahriibka in ay la soo xiriiraan hey’adaha ammaanka,isagoo dhinaca kale ciddii ku lug yeelata ama lagu helo ka shaqeynta falalka tahriibinta ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles