DFS oo shaacisay in aan go’aan laga gaarin dalalka kamid noqonaya howlgalka AUSSOM

La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee amniga qaranka , Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dalalka ka mid noqonaya hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya lee dahay sharciyadda go’aan ka gaarista dalalka kamid noqonaya hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona dhammaadka sannadkani.

“Dowladda Soomaaliya waxay leedahay sharciyada ay ku go’aamiso dalalka ka qaybgalaya howlgalka AUSSOM… Go’aanka ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa, isagoo la waafajinayo mudnaanta qarankeenna— ruuxda baaqa Ankara waa mid xooggan oo weli nool” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles