DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsana Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqay in ay dileen madaxii amniyaadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo muddo dheer u qaabilsanaa Al-Shabaab qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisada ee ka dhaca Hirshabeelle.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in horjoogahan uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarro iyo qaraxyo badan oo lagu qaaday shacabka iyo ciidamada dowladda, isagoo si toos ah uga qayb qaatay qorsheynta falal dhiig badan ku daatay.

NISA ayaa ku tilmaantay dilka Caamir mid guul weyn u ah dagaalka lagu wiiqayo shabakadaha Al-Shabaab, isla markaana carqaladeynaya sahayda iyo isku xirka kooxda ee bartamaha iyo koonfurta dalka.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawir ama muuqaallo caddeynaya dilka horjoogahan, balse waxay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo aan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamadii fuliyay.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada NISA ayaa kordhiyay weerarrada qorsheysan ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ballan qaaday in lagu cirib tiro argagixisada dalka ka jirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles