Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu ugu walaacsan qorshe xoog leh oo ay siyaasiyiinta Mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada qof iyo cod oo ay wado dowladda.
Qaylo dhaantan ayaa waxaa saacadihii ugu dambeèyay jeediyay Wasiirada kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyagoo dareemay mowjad siyaasadeed oo ku soo food leh madaxda dowladda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaya siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya, kuwaasi oo damacsan in ay qaadaan Tallaabooyin looga hortagayo qorshaha dowladda, halka madaxtooyada Soomaaliya ay hore u sheegtay in aan loo joojin doonin cidii ka aragti duwan ee dood qabta, taasoo keeni karta isku dhacyo hubeysan in dalka ay ka dhacaan.
Wasiirka dekedaha iyo Gaadiid Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yiri “Xooga Tirada badan ee Shacabka iney hogaankooda doortaan la rabo in lagu hor istaago, tolow maa khawaarij lagu wajaho oo saboolnimada lagula dagaalamo.War ka jooga waa baahanahay, bakhti looma cunee!”.
Todobaadka soo socda ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa in ay ka dhacaan kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.



