Thursday, March 12, 2026

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Waxaa maanta isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta, kuwaas oo ka cabanaya lacago ay sheegeen in laga qaado iyo jirdil ay sheegeen in ciidamada ammaanku kula kacaan.

Dhalinyaradan ayaa xirtay isgoyska KM4, taasoo sababtay in la hakiyo isku socodka gaadiidka, waxaana  Ciidamada ammaanka ay isku dayayaan inay kala eryaan banaanbaxayaasha, iyagoo isticmaalaya rasaas iyo awood ciidan.

Mid kamid ah dhalinyarada ka qeyb qaadaneysay mudaharaadka ayaa warbaahinta u sheegay in “Waxaan ka shaqeysan la’ nahay ciidamada oo na dhibaateeya, lacag xoog ah ayey naga qaadaan, mid naga mid ahna maanta waa la dhaawacay.”

Sidoo kale Dhalinyarada ayaa sheegay in loo diiday in ay maraan wadooyinka Muqdisho, iyadoo sheegay in ay haystaan sharciga ay siisay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna dalbadeen in laga dulqaado culeyska la saaray.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama laamaha amniga oo ku saabsan arrintan.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisaddu sii kororto haddii xal degdeg ah laga gaari waayo cabashooyinka dhalinyarada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles