Dibadbaxyada Kenya oo Sii Socda iyo Xuska Dibadbixii 1990-kii oo Maanta Dalka Ka Dhacaya

Sanad walba waxaa dalka kenya laga xusaa 7-da Luulyo oo ah maalin taariikhi u ah dalka, islamarkaana loo yaqaan Saba Saba ama todobada bisha 7aad, taas oo lagu xasuusto Dibad-baxyo lagu dalbanayay dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo dhacay sanadkii 1990-kii.

Maalintaas waxaa Kenya gilgilay mid kamida isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, kaas oo ay ku baaqeen hoggaamiyaal siyaasadeed oo ay kamid ahaayeen Kenneth Matiba iyo Charles Rubia, raggaas oo markii dambe xabsiga loo taxaabay, waxaana dibadbaxayaasha ku dhintay in ka badan 20 qof, halka tiro kaloo badanina ay ku dhaawacmeen.

Xukuumaddii xilligaas oo uu hoggaan u ahaa madaxweyne Daniel Moi ayaa lagu qasbay inay oggolaato dalabka dadweynaha, islamarkaana dalka laga hirgeliyo hannaanka dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo kenya ku dhaqmi jirin.

Dharaartan taariikhiga ah ayaa sanadkan ku soo beegantay xilli ay dalka ruxeen bannaan-baxyo rabshada wata oo todobaadyo socday, islamarkaana dhiig badani ku daatay oo lagu diiddanyahay canshuur kordhin ay dowladdu samaysay, inkastoo markii dambe meesha laga saaray.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles