Wednesday, June 17, 2026

Dibadbaxyada Kenya oo Sii Socda iyo Xuska Dibadbixii 1990-kii oo Maanta Dalka Ka Dhacaya

Sanad walba waxaa dalka kenya laga xusaa 7-da Luulyo oo ah maalin taariikhi u ah dalka, islamarkaana loo yaqaan Saba Saba ama todobada bisha 7aad, taas oo lagu xasuusto Dibad-baxyo lagu dalbanayay dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo dhacay sanadkii 1990-kii.

Maalintaas waxaa Kenya gilgilay mid kamida isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, kaas oo ay ku baaqeen hoggaamiyaal siyaasadeed oo ay kamid ahaayeen Kenneth Matiba iyo Charles Rubia, raggaas oo markii dambe xabsiga loo taxaabay, waxaana dibadbaxayaasha ku dhintay in ka badan 20 qof, halka tiro kaloo badanina ay ku dhaawacmeen.

Xukuumaddii xilligaas oo uu hoggaan u ahaa madaxweyne Daniel Moi ayaa lagu qasbay inay oggolaato dalabka dadweynaha, islamarkaana dalka laga hirgeliyo hannaanka dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo kenya ku dhaqmi jirin.

Dharaartan taariikhiga ah ayaa sanadkan ku soo beegantay xilli ay dalka ruxeen bannaan-baxyo rabshada wata oo todobaadyo socday, islamarkaana dhiig badani ku daatay oo lagu diiddanyahay canshuur kordhin ay dowladdu samaysay, inkastoo markii dambe meesha laga saaray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles