Dil toogasho ah oo lagu fuliyay rag ka tirsanaa AS oo lagu helay dilal iyo Qaraxyo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho ku fulisay xukunnadii dilka toogashada ahaa ee horay loogu riday Xasan Cali Iftiin Buule iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda.

Mas’uuliyiinta maxkamadda ayaa sheegay in raggan lagu helay dambiyo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu fuliyay xadka qisaasta ah ee ay hore u go’aamisay maxkamaddu.

Fulinta xukunka ayaa ka dhacday fagaaraha toogashada ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in fulinta xukunkan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka iyo qaraxyada ay geystaan kooxaha argagixisada, oo ay ku tilmaantay “Khawaarij,” kuwaas oo ka dhaca caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Horey maxkamada ciidamada ayaa xukunno dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal, qaraxyo iyo falal amni darro.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa inta badan qaadda kiisaska la xiriira askarta Ciidamada Qaranka iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada, iyadoo ujeeddadu tahay dardar-gelinta caddaaladda iyo la xisaabtanka dembiyada culus ee khatar ku ah amniga dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles