Tuesday, March 3, 2026

Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay hadalkii Senator Ted Cruz

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka ayaa muujisay “Culayska ay kala kulmayso qorshaha aqoonsiga Somaliland ayaa ku doodaysa in tilaabadaasi ay dhiiragalin karto “Kooxaha argagixisada ah in ay helaan fursad” ku dhiiragalisa dagaalkooda.

“Siyaasad kasta oo dhaawacda madax-bannaanida Soomaaliya waxay keliya dhiirrigelin doontaa xagjiriinta waxayna khatar galin doontaa xasilloonida guud ee geeska Africa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa sidaan oo kale ku dooday xilligii Itoobiya sheegtay in ay aqoonsanayso Somaliland.

Hadalkan safaarada ayaa ku soo aadaya xili Xildhibaan Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka kana mid ah Xildhibaannada ugu saameynta badan aqalka Senate-ka uu warqad u diray madaxweynaha Maraykanka taasi oo uu kaga dalbanayo in uu aqoonsado Somaliland.

Senaterka ayaa warqaddan uu u diray madaxweyne Trump kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin; taariikhda Somaliland, muhiimadda ay leeddahay goobta ay ku taallo, xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland faa’idada ku jirta, dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland ka hana qaadey.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles