Israel iyo Xoogaga Xamaas oo hanjabaabo hawada isku mariyey

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Yisrael Katz, ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamada, Janaraal Eyal Zamir, iyo saraakiisha ugu sarraysa ee milateriga, si ay uga wada hadlaan qodobbada guud ee qorshaha lagu qabsan doono magaalada Gaza.

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, qorshaha kama dambaysta ah ayaa la diyaarin doonaa waxaana loo soo bandhigi doonaa dowladda si ay u ansixiso maalinta Axadda soo socota.

Katz ayaa xaqiijiyey in Israel ay go’aansatay in ay jebiso  Xamaas, soo furato dhammaan la haysteyaasha, isla markaana ay dhamayso dagaalka,” isaga oo tilmaamay in ciidanku ururinayo dhammaan xooggiisa si uu ugu diyaar garoobo fulinta go’aanka golaha wasiirrada.”

Hoggaanka siyaasadda ayaa ku cadaadinaya ciidanka in uu qaado tallaabo degdeg ah oo xoog leh, isaga oo adeegsanaya rasaas culus iyo ciidan badan gudaha Gaza.

Sidaasi waa qorshaha Israel balse Xamaas waxa ay taagan tahay  awood kasta oo aad la la haydeen waa nagu isticmaasheen tanna fashilkii dhabarka aad ku ridan jirteen baad ku doonaysaan iyo la haystayaashiina oo  aad dishaan

Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta duqeeyay  laba dhisme oo guryo ah oo ku yaalla xaafadda Asqula, gudaha xaafadda Al-Zaytoun, koonfur-bari magaalada Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles