Saturday, August 8, 2026

Dagaal ka dhacay duleedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo ahaan 10 KM, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana halkaasi ku sugnaa oo la weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ay ciidamada ma war heleen in Al-Shabaab isku aruursanayeen degaanka Faarax Aadan, isla markaana wadooyinka ay Miino ku aasayeen, waxaana la soo werinayaa inuu jiro khasaare xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.

Sidoo kale waxaa la burburiyay fariisamo ay kooxda ku laheyd deegaanka lagu weeraray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles