Dowladda Ingiriiska oo isku dayaysa inay ka hortagto tallaabo Trump uu doonayo inuu qaado

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay wada-hadallo kula jirto Mareykanka oo ku saabsan suurtagalnimada in la mamnuuco dhoofinta naaftada, iyadoo sidoo kale diyaargarow sameyneysa haddii tallaabadaas la dhaqan geliyo.

Wasiirka Maaliyadda Britain, John Healey, ayaa sheegay in dowladda ay la xiriirayso mas’uuliyiinta Mareykanka, isla markaana ay hubineyso in dalka uu haysto keyd naafto oo ku filan.

Qiimaha naaftada Britain ayaa Isniintii gaaray heerkii ugu sarreeyay abid, iyadoo litirku celcelis ahaan marayay 199.18 pence, sababo la xiriira cadaadiska ku yimid sahayda shidaalka ee ka dhashay dagaallada Bariga Dhexe iyo Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si dhab ah uga fiirsanayo in la xaddido ama la mamnuuco dhoofinta naaftada Mareykanka, si loo yareeyo qiimaha shidaalka gudaha dalka.

Britain waxay ku tiirsan tahay Mareykanka qayb weyn oo ka mid ah naaftada ay dibadda ka soo dejiso, sidaas darteed falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in xayiraad dhoofintu ay sii kordhin karto qiimaha shidaalka Britain.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles