Ururda Bulshada rayidka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa walaaca ka muujinaya khilaafka iyo dagaallada soo laa-laabtay ee ka jira magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Iska horimaadyada ka dhaca Baydhabo waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo naf iyo maalba-leh, waxaana kii ugu dambeyay ee shalay ku dhintay ugu yaraan 20 qof.
Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo isla markaana khilaafka lagu xalliyo hannaan wadahadal ah, si meesha looga saaro dagaallada iyo rabshadaha joogtada ka noqday deegaannadaas si gaar ah magaalada Baydhabo.
Dagaallada soo noqnoqday ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo taabacsan maamulkii hore.


