Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah ee ISIS-Somalia, kuwaas oo halis weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo danaha saaxiibada caalamiga ah.
Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, meel 72km u jirta magaalada Boosaaso dhanka koonfureed.
โHowlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago qorsheynta iyo fulinta weerarro argagixiso oo wax u dhimi kara shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka.โ ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray โDowladda Federaalka Soomaaliya waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, iyadoo mar kale adkeynaysa goโaankeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah. Dowladda waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee garab istaaga amniga iyo xasilloonida dalka.โ
Dhankooda AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro khatar ku ah dhulka Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.