Sunday, August 9, 2026

Duqeyn ka dhacday Biya Cadde oo lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa qornaa sidan;-

CIIDAMADA QARANKA OO  KAASHANAYA SAAXIIBADA CAALAMKA OO HOWLGAL LAGU LAAYAY HORJOOGAYAAL IYO MALEESHIYAAD KHAWAARIJ AH KA FULIYAY HIRSHABEELLE.

Muqdisho, 02, Maarso, 2025: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgallada oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta oo baxsad ka ahaa geesiyaasha qaranka, waxaana sidoo kale la burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka ah oo ay wateen Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

-DHAMMAAD

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab...

Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay ‘si rasmi...

Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo...

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles