Friday, March 21, 2025

Duqeyn ka dhacday Biya Cadde oo lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa qornaa sidan;-

CIIDAMADA QARANKA OO  KAASHANAYA SAAXIIBADA CAALAMKA OO HOWLGAL LAGU LAAYAY HORJOOGAYAAL IYO MALEESHIYAAD KHAWAARIJ AH KA FULIYAY HIRSHABEELLE.

Muqdisho, 02, Maarso, 2025: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgallada oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta oo baxsad ka ahaa geesiyaasha qaranka, waxaana sidoo kale la burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka ah oo ay wateen Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

-DHAMMAAD

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles