Duqeyn lagu burburiyay Gaadiid dagaal oo ay Leeyihiin Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka fuliyeen  saldhigyo iyo gaadiid ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Duqeymahan oo ahaa kuwo si xooggan loo qorsheeyay ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymadu ay beegsadeen kolonyo ay wateen Maleeshiyaad  ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo la socday saddex gaari, kuwaas oo mid ka mid ahaa nooca Cabdi-Bile ah.

Saddexda gaari ayaa la sheegay in duqeynta lagu burburiyay , islamarkaana la gubay, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in khasaare xooggan uu soo gaaray kooxdii la socotay.

Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus oo is-daba joog ah, taasoo tilmaam u ahayd in duqeyntu ahayd mid xooggan oo bartilmaameedyo gaar ah lagu qaaday.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ama ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda u xaqiijinaya tirada khasaaraha la gaarsiiyay Al-shabaab.

Degaanka Coosweyne ayaa ah meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay horay uga dhaceen dagaallo iyo howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah argagixisada ku sugan gobolkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles