Duqeyn lagu burburiyay Gaadiid dagaal oo ay Leeyihiin Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka fuliyeen  saldhigyo iyo gaadiid ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Duqeymahan oo ahaa kuwo si xooggan loo qorsheeyay ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymadu ay beegsadeen kolonyo ay wateen Maleeshiyaad  ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo la socday saddex gaari, kuwaas oo mid ka mid ahaa nooca Cabdi-Bile ah.

Saddexda gaari ayaa la sheegay in duqeynta lagu burburiyay , islamarkaana la gubay, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in khasaare xooggan uu soo gaaray kooxdii la socotay.

Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus oo is-daba joog ah, taasoo tilmaam u ahayd in duqeyntu ahayd mid xooggan oo bartilmaameedyo gaar ah lagu qaaday.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ama ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda u xaqiijinaya tirada khasaaraha la gaarsiiyay Al-shabaab.

Degaanka Coosweyne ayaa ah meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay horay uga dhaceen dagaallo iyo howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah argagixisada ku sugan gobolkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles