Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan AS  kuwaas oo halkaas ku abaabulayay falal lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa AS oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay AS u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Tani waa mid ka mid ah guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Qaranka ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah AS waxaana mar kale la caddeeyay in aan loo dulqaadan doonin kooxaha argagixisada ah ee caadeystay in ay nabadda iyo horumarka caqabad ku noqdaan.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles