Tuesday, June 16, 2026

Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan AS  kuwaas oo halkaas ku abaabulayay falal lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa AS oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay AS u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Tani waa mid ka mid ah guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Qaranka ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah AS waxaana mar kale la caddeeyay in aan loo dulqaadan doonin kooxaha argagixisada ah ee caadeystay in ay nabadda iyo horumarka caqabad ku noqdaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles