Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa si rasmi ah u la wareegay xilka Taliyaha Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee howlgalka ee magaalada Muqdisho. Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Sarreeye Guuto Sofia Westermark, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa u dhacday si waafaqsan habraaca ciidamada, taas oo lagu xaqiijinayo in shaqada howlgalku ay si habsami leh u sii socoto. Isbeddelkan hoggaamineed ayaa muujinaya sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay taageeridda hay’adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo tababarro, la-talin istiraatiijiyadeed, iyo dhisidda awoodda ciidamada.

Taliye Manes oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu diiradda saari doono xoojinta barnaamijyada tababarka ee hadda socda iyo ballaarinta taageerada gaarka ah ee la siiyo saraakiisha Soomaaliyeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in yoolkiisu yahay sidii ciidamada Soomaaliyeed loogu tababari lahaa inay si madax-bannaan u qorsheeyaan, una fuliyaan hawlgallada amniga.

Waxaa sharaf ii ah inaan la wareego taliska EUTM-S xilligan muhiimka ah,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Elio Manes. “Diiraddayadu waxay noqon doontaa inaan sii xoojinno iskaashiga aan la leenahay saaxiibada Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan inay hoggaamiyaan dadaalladooda amniga.”

Sida ku cad waajibaadka 9-aad ee howlgalka, EUTM Somalia waxay ka shaqeysaa dhisidda Ciidamo Soomaaliyeed oo la xisaabtami kara Dowladda Federaalka. Howlgalku wuxuu bixiyaa la-talin heer istiraatiijiyadeed oo ku wajahan hay’adaha amniga ee Muqdisho, iyo sidoo kale taageero farsamo oo dhanka tababarka ah. Qorshaha howlgalka waxaa sidoo kale ku jira in la ballaariyo shaqada oo la gaarsiiyo xarumaha gobollada, marka ay xaaladdu saamaxdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo beeniyay inuu Soomaaliya u soo dirayo kumanaan Askari oo ka tirsan ciidankooda

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda...

MW Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la...

Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, kulankoodii Khamiislaha...

DF oo cambaaraysay weerarkii lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii...

Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles