Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo Falastiiniyiin lagu laayay meel u dhow xarun gargaar oo ku taalla Gaza, , iyadoo ay jiraan warar lagu muransan yahay oo sheegaya in ciidammada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad sugayay in ay gargaar helaan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dadkaasi la toogtay xilli ay cunto ka sugayeen xarunta Rafah oo ay maamusho Hay’adda Bani’aadantinimada Gaza ee Mareykanka iyo Israa’iil ee GHF.
Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in cisbitaalkeeda la geeyay 179 dhaawac ah, oo 21 ka mid ah ay dhinteen. Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee ay Xamaas maamusho ayaa ku sheegtay dhimashada 31 qof.
Militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ciidammadoodu ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo goobta ka dhawaa ama ku sugnaa, waxayna sheegeen in wararka arrintan la xidhiidha ay yihiin kuwo been abuur ah.
Xigasho:-BBC