Saturday, August 15, 2026

Fallaagada M23 oo sheegtay in ay qabsadeen Goma

Fallaagada ay taageerto Rwanda ee M23 ayaa aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah sheegatay, in ay qabsadeen magaalada ugu weyn bariga Congto ee Goma.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa laba milyan oo ruux oo ku nool aaggaasi ay durbaha soo food saartay argagax, iyada oo kumannaan qof ay durbaba billaabeen in ay guryahooda ka cararaan.

Kaddib marki ay dhammaatay muddo 48 saacadood aheyd oo ay fallaagadu u qabatay in ciidamada Dowladda Congo ay hubkooda ku soo dhiibaan, ayay bayaan ay soo saareen xalay ugu sheegeen dadka reer Goma in ay is dajiyaan isla markaana xubnaha millatariga Congo ay isugu tagaan garoonka kubadda cagta ee bartamaha.

Afhayeenka dowladda Congo, Patrick Muyaya ayaa bayaan kasoo baxay oo lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay, in dalku uu galay xaalad dagaal, isla markaana ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir deg deg ahaa ka yeeshay xaaladda Congo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Congo ayaa xubnaha Golaha Ammaanka u sheegay, in fallaagadu ay qabsadeen nawaaxiga magaalada Goma, isla markaana la xiray garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka soo gala magaalada.

Waxay kaloo sheegtay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay hadda ku go’doonsanyihiin Goma.

Sabtidi, Dowladda Congto ayaa xiriirka u jartay Rwanda oo ay ku eedeysay in ay si cad u taageerto M23. Dowladda Rwanda ayaa eedahaasi beenisay. Hase yeeshee Qaramada Midoobay iyo khubarro kale ayaa sheegay in ay hayaan caddeeymo muukinaya taageerada Rwanda ay siiso jabhadda M23.

WARARKII KALE

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

Trump oo codsi u diray maxkamada sare ee Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare...

Gen. Jimcaale oo la heshiiyay Deni

Gen. Jimcaale Jaamac Takar, oo hoggaamiya ciidamada Danab ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles