Wararka laga helayo waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gaadiid dhowr ah oo dhuxul siday lagu gubay meel u dhow deegaanka Warmaxan.
Gaadiidka dhuxusha qaada ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dhacdooyin la xiriira gubid iyo weerarro, iyadoo falalka noocan ah inta badan lagu eedeeyo kooxda Al-Shabaab.
Ilaa hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay dhacdadan iyo sababta gaadiidka loo beegsaday.
Sidoo kale, lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdada iyo haddii ay jiraan dad wax ku noqday.
Waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mararka qaar ka dhaca falal amni-darro.


