Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay 53 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo maleeshiyaad uu maamulka ku eedeeyay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo Al-Shabaab.
Maxaabiista ayaa lagu soo bandhigay saldhigga Booliska magaalada Baydhabo, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in dadkaasi lagu qabtay intii uu socday dagaalka.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow, ayaa warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed ku saabsan dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo qorshaha maamulka ee xaaladda amni iyo siyaasadeed ee magaalada.
Wasiir Nuur Siidow ayaa sheegay in dulqaadka dowladnimo uusan ahayn daciifnimo, isagoo tilmaamay in maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay inuu si masuuliyad leh uga shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada.
“Dulqaadka dowladnimo ma aha daciifnimo,” ayuu yiri Wasiir Nuur Siidow.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in khilaaf kasta oo jira lagu xallin karo miiska wada-hadalka, isaga oo dhinacyada ugu baaqay in la raadiyo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro xiisadaha jira.
Dagaalkii Baydhabo ayaa dhaliyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada isku haya magaalada ay kala duwan yihiin wararka ay ka bixinayaan sababta dagaalka iyo cidda mas’uuliyadda iska leh.


