Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa digniin adag u diray xildhibaanada sabab la’aanta uga maqnaada fadhiyada Golaha Shacabka.
Guddoomiye Jaamac ayaa sheegay in xildhibaanada aan si joogto ah uga qeybgalin kulamada Baarlamaanka lala tiigsan doono xeerhoosaadka Golaha, isagoo xusay in aan la aqbali doonin in xildhibaan uu kulanka yimaado, is xaadariyo, kadibna uu isaga baxo.
“Xildhibaanada sabab la’aanta uga maqan kulamada Golaha xeerhoosaadka ayaa lala tiigsan doonaa, mana la aqbali doono xildhibaan inta uu yimaado is xaadiriya, ka dibna iska baxa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Digniintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Shacabka uu si joogto ah u wado kulamadiisa iyo howlaha sharci-dejinta.


