Monday, January 12, 2026

Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo ku dhawaaqay inay joojiyeen Wadashaqeynta Wasaaradda Awqaafta DFS

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah, iyaga oo ku dhawaaqay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib khilaaf soo jiitamayay, oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada-shaqeynta, wada-tashiga iyo is-waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta.

Wasaaradahan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Federaalka inay ku tumaneyso mabda’a federaalka, isla markaana aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada ee ku xusan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in arrimaha awqaafta, diinta, masaajidda, iyo maamulidda culimada ay si toos ah ula xiriiraan bulshada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo wadatashi dhab ah iyo isla xisaabtan cad.

Wasaaradaha saxiixay go’aankan ayaa caddeeyay In wixii hawlo ah, munaasabado diimeed ama go’aano la xiriira arrimaha awqaafta iyo diinta, aysan mar dambe ka qeyb geli doonin haddii aysan ku imaan wada-tashi iyo oggolaansho buuxa, islamarkaana ay sii wadi doonaan adeegyada diinta ee ay u hayaan bulshadooda, iyagoo u maraya maamul dowlad-goboleedkooda.

Sidoo kale ay diyaar u yihiin wada-hadal mustaqbalka, balse ku saleysan ixtiraam dastuur, isla xisaabtan iyo cadaalad.

Dhanka kale ilaa iyo hadda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka kama aysan hadlin warsaxaafadeedkan, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ay soo saartay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo baabi’isay heshiiskii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Q.M

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku...

Koofur Kuuriya oo diiday Faragelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee  Soomaaliya,...

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles