Wednesday, March 4, 2026

Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo ku dhawaaqay inay joojiyeen Wadashaqeynta Wasaaradda Awqaafta DFS

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah, iyaga oo ku dhawaaqay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib khilaaf soo jiitamayay, oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada-shaqeynta, wada-tashiga iyo is-waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta.

Wasaaradahan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Federaalka inay ku tumaneyso mabda’a federaalka, isla markaana aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada ee ku xusan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in arrimaha awqaafta, diinta, masaajidda, iyo maamulidda culimada ay si toos ah ula xiriiraan bulshada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo wadatashi dhab ah iyo isla xisaabtan cad.

Wasaaradaha saxiixay go’aankan ayaa caddeeyay In wixii hawlo ah, munaasabado diimeed ama go’aano la xiriira arrimaha awqaafta iyo diinta, aysan mar dambe ka qeyb geli doonin haddii aysan ku imaan wada-tashi iyo oggolaansho buuxa, islamarkaana ay sii wadi doonaan adeegyada diinta ee ay u hayaan bulshadooda, iyagoo u maraya maamul dowlad-goboleedkooda.

Sidoo kale ay diyaar u yihiin wada-hadal mustaqbalka, balse ku saleysan ixtiraam dastuur, isla xisaabtan iyo cadaalad.

Dhanka kale ilaa iyo hadda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka kama aysan hadlin warsaxaafadeedkan, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ay soo saartay.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles