Thursday, January 29, 2026

Galmudug oo ka hadashay hubkii gacanta u galay reer Caabudwaaq

Gaadiid hub tiro badan waday kana yimid dhinaca dalka Itoobiya ayaa shalay lagu weeraray deegaan duleedka ka ah degmada Caabudwaaq, waxaana hubkaasi markii dambe gacanta ku dhigay oo boobay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dad shacab ah.

Hubkan iyo gaadiidkii waday oon ilaa hadda la ogeyn cidda iska leh ayaa gacanta u galay maleeshiyaad iyo shacab kasoo jeeda degmada Caabudwaaq, waxaana laga adkaaday ciidamo katirsan dowladda oo ilaalo u ahaa hubka maleeshiyaadka la wareegeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ,Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heleen xogta gaadiid waa weyn oo waday hub kala duwan gacanta u galeen dadka deegaanka Caabudwaaq.

Waxa uu sheegay wasiirka in maleeshiyadaka deegaanka heleen xogta baabuurta hubka siday oo markii hore loogu sheegay in ay wadaan teendhooyin, waxa uuna xusay in dagaal dhax maray ciidamo gaadiidka ilaalinayay iyo maleeshiyaadka kaddib la boobay hubkii gaadiidka saarnaa.

Cali Baashi ayaa sheegay in maamulka Galmudug hadda bilaabeen baaritaanno ku aadan hubkan gacanta u galay maleeshiyaadka Caabudwaaq kasoo jeeda halka uu ka yimid , halka uu ku socday iyo waliba cidda iska laheyd hubkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in walaac xooggan ka qabaan maamul ahaan hubka sida fudud dadka shacabka ah gacanta ugu galay, waxa uuna xusay in muddooyinkii dambe ay jireen dagaallo qabiil salka ku hayay oo ka dhacayay deegaanno hoostaga Caabudwaaq.

Hubka la boobay gacantana u galay dadka shacabka ah ayaa la sheegay in ay u badan yihiin qoryaha loo yaqaan AK-47 iyo sidoo kale biskoolado, waxaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan hub kale oo ay kamid yihiin qoryaha loo yaqaan dabajeexa.

WARARKII KALE

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Puntland oo sheegtay in dad badan ay u geeriyoodeen Biyo la’aan ka jirto Gobolka Mudug

Inta la xaqiijiyay todobada qof oo carruur u badan...

RW Xamsa oo xalay kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles