Wednesday, March 4, 2026

Golaha Shacabka oo maanta dib u Furmay Kadib Xal Laga Gaaray Xildhibaanadii Laga Joojiyay Kulamada

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furmaya xarunata Villa Hargeysa ee Muqdisho, kaddib muddo kooban oo hakad ku jiray, taasoo ka dhalatay muran siyaasadeed oo sababay in xildhibaano laga joojiyo ka qeybgalka kulamada.

Xal laga gaaray arrintaas ayaa horseeday in 24 xildhibaan, oo ay ku jiraan xubno mucaarad ah iyo wasiirro, dib loogu fasaxo ka qeybgalka kulamada Golaha.

Xildhibaanadan ayaa horay looga hakiyay ka qeybgalka sababo la xiriira khilaafyo siyaasadeed iyo mooshinno la xiriira hoggaanka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa weli ku adkeysanaya mooshinkii ay horey ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Mooshinkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayo eedeymo la xiriira hannaanka hoggaaminta golaha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xaaladda weli cakiran tahay, iyadoo laga war sugayo sida Guddoonka Golaha uga jawaabayo mooshinka iyo saamaynta uu yeelan karo khilaafka siyaasadeed ee socda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles