Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta keydka daawada ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinaayo adeegyada aas-aasiga ah kuwaasi oo wax tar u leh bulshada, asigoona u mahadceliyay Hey’adda Qatar Charity oo gacan ka geysaneysa fulinta mashruucaan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Madaxa mashaariicda Hey’adda Qatar Charity Mudane Cabdicasiis Jaasim, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xamsa ee jihada dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa wada qorshe ay ciidamadeeda uga soo...

Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaantay xil-ka-qaadistii Baashe Yuusuf

Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaamay...

RW Xamsa “Dalka waxaan u wadnaa meel aan la garanayn”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadallo siyaasadeed...

Fiqi oo mucaaradka ku dhaliilay aamusnaanta safiirka Israa’iil ee Hargeysa

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles