Sunday, August 16, 2026

Guddoomiye Mungaab oo boqolaal dadweyne ah salaada Ciida kula tukaday degmada Gubadleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho . Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa boqolaal shacab ah, Mas’uuliyiin, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin iyo Guddoomiyeyaal Degmo Salaada Ciidul Adxaa kula tukaday Duleedka Degmada Gubadleey ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Salaada Ciida kadib khudbad uu ujeediyay bulshada ugu baaqay in la is gar-gaaro, lana garab siiyo bulshada kuwooda nugul, lalana shaqeeyo laamaha amniga, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay in loo dareero isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qofka iyo codka, si ay usoo doortaan hogaan ay kula xisaabtami karaan mas’uuliyadda ay u dhiibtaan, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles