Monday, July 20, 2026

Hamas oo wareejisay 3 maxaabiis iyo Israel oo iyaduna sii deysay 183 ruux

Kooxda Xamaas ayaa sii daysay saddex maxbuus oo ah kuwii ugu dambeeyay heerkii is-dhaafsiga ee ku xusnaa heshiis xabbad-joojinta oo soo afjarayey xasuuqii 15-kii bilood ee Israa’iil ka waday Gaza.

Xamaas ayaa sii deysay Ofer Kalderon oo heysta dhasha Faransiiska ,muwaadin Israa’iili ah iyo Keith Siegel oo heysta dhashada Maraykanka,kuwaas oo sii deyntooda ay ka dhacaday laba goobood oo kala ah Marinka Gaza ee Khan Younis iyo dhanka eoooyi ee go’doonsan.

Israel ayaa iyaduna dhankeeda sii deysay 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo in muddo ah ku jiray xabsiyada Israel,waxaana labada dhinac maxaabiista u kala wareejiyay saraakiisha Laanqeyrta Cas ee ku sugan magaalada Gaza  .

Is-dhaafsiga maxaabiista ayaa imaanaya xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan howlgallada militari ee ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xeryaha qaxootiga ee Jenin , Tulkarem iyo goobaha gabbaadka u ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Howlgalada Israel ee u dambeeyay waxaa lagu dilay in ka badan labaatan qof laga soo bilaabo todobaadkii hore.

Dhinaca kale,Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 Falastiiniyiin ah oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah loo ogolaan doono inay ka baxaan Qaza iyaga oo sii maraya marinka Rafah ee dhaca Masar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles