Tuesday, March 3, 2026

Hay’adaha gargaarka Qasa oo ka digay in ay xirmaan goobaha lagu kaydiyo cuntada

Hay’adaha gargaarka ee Qasa ayaa ka digay in maalmaha soo socda ay ku qasbanaan doonaan inay xiraan xarumahooda ku haray halkaa ee lagu kaydiyo cuntada oo ay tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ku tiirsan yihiin.

Laba bilood ayaa laga joogaa markii Israa’iil ay xannibtay dhammaan sahaydii gargaarka ee geli jirtay Qasa.

Waxaa kaloo laga digayaa in tani ay horseedi doonto macluul aan hore loo arag.

Samy Mahdi oo ka tirsan hay’adda ANIra ee gargaarka ayaa arrintan walaac ka muujisay, waxaana uu sheegay in markii hore ay karin jireen Bariis, Hilib iyo Cuntooyin kale oo nafaqo leh, balse hadda aysan jirin wax hilib ah marka laga reebo khudaarta ay Qasa la soo galeen.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka cawday waxa ay ugu yeereen cadaadiska iyo jirdilka lagu hayo Falastiiniyiinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles