Tuesday, January 13, 2026

Hirgelinta Sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarada Gudaha oo dib loo dhigay

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles