Hantidhowraha Guud ee qaranka oo maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 202, (Annual Overall Audit Plan – 2026). Qorshahan sanadlaha ah ayaa hagaya dhammaan hawlaha baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeexayaa habka fulinta baarista hantidhowr ee hay’adaha dowladda, jihada guud, mudnaanta, iyo baaxadda baarista, mashaariicda, iyo qaar ka mid ah nidaamyada tiknoolojiyadda ee ay dowladdu adeegsato.

Qorshuhu wuxuu ku saleysan yahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.

Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baarista mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka. Ujeeddada Isku-dhafka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista.

Natiijada laga filayo hirgelinta Qorshaha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fulinta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’adaha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadashada hoggaanka sare ee dowladda iyo xaqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joogto ah ugu xididada nidaamka dowladnimada.

WARARKII KALE

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles