Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray shirka Mac-hadka Heritage ee ka socday magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirku ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro isbeddel weyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda ah, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii caasimadda oo si nabad ah u qabsoontay, muwaadiniintuna ay si kalsooni leh u codeeyeen.

Waxa uu xusay in horumarka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ee dalkeenna ka jira ay suurageliyeen in laga hortago xadgudubyo qarannimada dalka , isaga oo bogaadiyey saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhowaad 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya aysan aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan-wadaag. Waxa uuna adkeeyey in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ay si mideysan uga hortagayaan dowlad iyo shacabba.

Dhanka kale , Mudane Xamsa ayaa shaaciyay in qodista shidaalka bisha May ee sanadkan ay ka bilaaban doonto deegaanada Galmudug meel ka mid ah.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed midnimo iyo wada-hadal, isaga oo xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay Muqdisho.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles