Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan Dagalo (Hemiti), ayaa ka digay in Ciidamadiisu ay weerari doonaan Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ka imaanaya dalalka deriska ah.
Wargeyska Sudan Tribune ayaa sheegay in ay beegsanayaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ka soo duulaya dalalka dariska la ah Suudaan si ay u weeraraan ciidamadooda.
“Diyaarad kasta oo ka soo kacsa dal kasta oo dariska ah si ay sahay u keento, weerarto, ama na disho waa mid halis inagu ah. ayuu yiri.
Hemiti ayaa ku eedeeyay ciidamada Suudaan inay geysteen “xasuuq”. Waxa uu intaa ku daray in ciidamadu ay “isku dayayaan in ay dadka ka tirtiraan dhulka” iyagoo rabshado isir ku salaysan ka wada gobollada Darfur iyo Kordofan.
Ciidamada gurmadka degdega ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay weeraro is xig-xigay oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka ka fuliyeen deegaanada ay maamulaan. Weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ciidan iyo dad shacab ah.