Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsen Naqvi, ayaa gaaray caasimadda Iiraan ee Tehran, si uu uga qayb galo aaska Cali Khamenei.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan Eskandar Momeni ayaa soo dhaweeyay dhiggiisa Pakistaan.
Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, Mr. Naqvi-na wuxuu dhowr jeer u safray Tehran toddobaadyadii u dambeeyay.
Amir Khan Mottaki, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Taliban, ayaa sidoo kale u safray Tehran si uu uga qayb galo aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, shalayna wuxuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araqchi.
Saacad ka hor, waxaa la soo bandhigay sawirro muujinaya He Wei, oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Shiinaha, kaasoo gaaray Tehran si uu uga qayb galo xafladda maanta. Bilowgii safarkiisa, wuxuu sidoo kale la kulmay Mohammad Bagher Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan.
Ilaa hadda, mas’uuliyiin ka socda Turkmenistan, Armenia, madaxweynaha gobolka Kurdistan ee Ciraaq, iyo tiro ka mid ah dalalka kale ayaa iyaguna gaaray Tehran.
Wafdi ka socda Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha ee Ciraaq ayaa sidoo kale gaaray Iiraan, iyadoo Hadi Ameri, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo taliye caan ah oo kooxda ka tirsan, uu hormuud ka yahay.
Hoggaamiyeyaasha dalalka, afhayeennada baarlamaanka, iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee ka kala socda daraasiin waddan oo kale ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan xafladda.
Sida laga soo xigtay ku xigeenka afhayeenka dowladda Taliban, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abdul Ghani Baradar Akhund, oo ah hoggaamiye Taliban ah ayaa sidoo kale ka qayb geli doona aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in qunsuliyadda Iiraan ee Herat ay soo saartay in ka badan “laba kun oo fiisooyin bilaash ah” oo loogu talagalay muwaadiniinta Afgaanistaan si ay uga soo qayb galaan xafladda.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, fiisayaashan bilaashka ah ee muddada gaaban waxaa inta badan la siiyay dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo dhaqanka ee Afgaanistaan, inta badan dadka qaatana waxay ka geli doonaan Iiraan iyagoo sii maraya Gobolka Herat.


