Thursday, July 2, 2026

Puntland oo mamnuucday shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Deni in lagu qabto Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan fasax rasmi ah haysan gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta mucaaradad ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in la joojiyay shir kasta oo siyaasadeed oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan maamulka gobolka, iyadoo go’aankaasi lagu sababeeyay ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka.

“Maamulka Gobolka Mudug wuxuu bulshada ku wargelinayaa in la mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan fasax rasmi ah ka haysan Maamulka Gobolka Mudug. Go’aankan waxaa loo soo saaray ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, maamulka ayaa faray hay’adaha amniga, maamullada degmooyinka iyo dhammaan hoteellada ku yaalla gobolka inay si buuxda u dhaqan-geliyaan awaamiirta ku xusan go’aanka cusub.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli saaka odayaal dhaqameed ku sugan Gaalkacyo ay qorsheynayeen shir looga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Odayaashan ayaa la sheegay inay taageersan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha la xiriira in ciidamo laga qoro deegaannada Puntland.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu haatan wajahayo mucaaradad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, gaar ahaan gobolka Mudug, halkaas oo odayaal dhaqameed iyo qaybo ka mid ah bulshada ay si cad u muujiyeen mowqif ka duwan kan maamulka Puntland.

Tallaabadan ay Puntland ku mamnuucday shirarka siyaasadeed ayaa loo arkaa mid muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Gaalkacyo, xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira loollanka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Muuse Biixi oo Cirro ku eedeeyay marin-habaabin iyo safarro qarsoodi ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa...

Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo yeeshay taliye ku xigeen cusub

Ciidanka Difaaca Uganda ee, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika...

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles