Monday, March 2, 2026

Hoobiyeyaal oo lagu weeraray xerada Xalane ee Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa Aroortii salaada subax kadib lagu weeraray xerada Xalane iyo xaafadaha ku dhow, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob ay ku sugan yihiin hay’ado caalami ah iyo safaarado dhowr ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xaafadaha ku dhow, iyadoo mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay xaafadda Korontada ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka degan xaafadda Korontada ay ku tooseen dhawaaqa culus ee hoobiyaasha.

Ilaa seddex madfac oo hoobiye ah ayaa si toos ah ugu dhacay gudaha xerada Xalane, halka mid ka mid ah  hoobiyeyaashaasi uu ku dhacay gudaha xaafadda Korontada.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha  ka dhashay weerarka, inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray qaar ka mid ah shacabka.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaan weli ka hadlin weerarkan, mana jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysa weerarka.

Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo howlaha diblomaasiyadda iyo nabad ilaalinta ee Muqdisho ayaa dhowr jeer sidan oo kale lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles