Wednesday, July 30, 2025

Hoobiyeyaal oo lagu weeraray xerada Xalane ee Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa Aroortii salaada subax kadib lagu weeraray xerada Xalane iyo xaafadaha ku dhow, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob ay ku sugan yihiin hay’ado caalami ah iyo safaarado dhowr ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xaafadaha ku dhow, iyadoo mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay xaafadda Korontada ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka degan xaafadda Korontada ay ku tooseen dhawaaqa culus ee hoobiyaasha.

Ilaa seddex madfac oo hoobiye ah ayaa si toos ah ugu dhacay gudaha xerada Xalane, halka mid ka mid ah  hoobiyeyaashaasi uu ku dhacay gudaha xaafadda Korontada.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha  ka dhashay weerarka, inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray qaar ka mid ah shacabka.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaan weli ka hadlin weerarkan, mana jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysa weerarka.

Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo howlaha diblomaasiyadda iyo nabad ilaalinta ee Muqdisho ayaa dhowr jeer sidan oo kale lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles