Wednesday, June 3, 2026

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada hay’adda oo kaashanaya saaxiibo caalami ah ay weerarro ka fuliyeen deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay inay abaabullo ka wadeen goobahaasi.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii sida ay sheegtay NISA la helay xog sirdoon oo muujinaysay in halkaasi lagu uruuriyay maleeshiyaad gaarayay ku dhawaad 70 xubnood, kuwaasi oo watay hub kala duwan isla markaana qorsheynayay falal amni darro ah.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay 23 maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib weerar qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka.

Dhanka kale, howlgal labaad oo ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay shan xubnood oo kale iyo horjooge lagu magacaabay Cabdiraxmaan, oo loo yaqaanay Cabdi Mudallib, kaas oo NISA ay sheegtay inuu ahaa horjoogihii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogahan ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabulka iyo qorsheynta weerarro ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

Hay’adda NISA ayaa xustay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goobo cayiman u asteeyay banaanbaxa mucaaradka, halka ay mucaaradku diideen

Maamulka ayaa sheegay in ay mucaaradka u asteeyeen goobo...

Waan-waan Siyaasadeed oo ka Bilaabatay Muqdisho

Waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee u...

Ruto”Ammaanka Soomaaliya iyo Siyaasadda Dalka ayaa Hortaagan Furista Xadka”

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in xadka...

Mucaaradka iyo Dowladda oo Abaabul Ciidan ka wada Muqdisho iyo xiisad hor leh

Muqdisho ayaa gashay jawi siyaasadeed oo aad u kacsan,...

Iiraan oo sheegatay weerar lagu qaaday saldhigyada Mareykanku ku leeyahay Baxrayn

Warbaahinta taabacsan Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa waxaa ay baahiyeen...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles