Mucaaradka iyo Dowladda oo Abaabul Ciidan ka wada Muqdisho iyo xiisad hor leh

Muqdisho ayaa gashay jawi siyaasadeed oo aad u kacsan, iyadoo si weyn looga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul siyaasadeed oo ay wadaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed, kahor bannaanbaxyo la qorsheeyay in 6-da June lagu qabto caasimadda.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka qaarkood ay dageen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka wadaan abaabulka bannaanbaxyada iyo kulamo siyaasadeed oo la xiriira qorshahooda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu ka baxay xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo degay agagaarka degmada Howlwadaag. Waxaa sidoo kale saaka la arkayay ciidamo iska soo horjeeda oo isku horfadhiya Isgoyska Dabka, halkaas oo la sheegay inuu ku sugan yahay Kheyre iyo xubno la socda.

Dhanka kale, xaafadda Mirinaayo ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu wado Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, taasoo muujinaysa sare u kaca dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna kordhisay feejignaanta amni, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si looga hortago xaalado amni darro iyo rabshado ka dhasha bannaanbaxyada la qorsheeyay.

Bannaanbaxyadan ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafyo la xiriira arrimaha doorashooyinka, amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo maamulka dalka. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles