Thursday, October 23, 2025

Horjooge sare oo ka tirsanaa AS oo lagu kharaajiyay Hiiraan iyo DF oo war ka soo saartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanka Mubaax lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiinay Cali Qoyane.

Ciidamada geesiyaasha ah ee deegaanka gobolka Hiiraan ayaa caawa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Al-Shabaab ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mubaax ee hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada gobolka Hiiraan — arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan kooxdaas.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey sanadkii 2019 xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin dowladeed.

Cali Qoyane ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxii uu ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii amniga ee degmada Maxaas, Rashiid Cusmaan Cabdi. Dilkaasi ayaa markii hore loo haystay Guddoomiyihii degmada Maxaas Cabdiraxmaan Cawaale iyo Nuur Mahad Alle, kuwaas oo markii dambe la sii daayay kadib baaritaan dheer.

Howlgalka xalay lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalada noocan ah ay sii socon doonaan, isla markaana aan la joojin doonin ilaa laga cirib tiro kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles