Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbas Araghchi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho dadka la xiray ka qeyb qaadanayay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

Isaga oo la hadlay Fox News, ayuu sheegay, in Madaxweyne Trump uusan sameynin isla qaladkii uu galay sanadkii hore – markaasoo Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay xarumaha Nukliyeerka Iran bishii June.

Mr Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabo aad u xoogan” haddii Iran ay bilowdo fulinta dilalka – laakiin markii dambe wuxuu sheegay in lagu war geliyay in dilalka dadka mudaharaadaya la joojiyay.

Arbacadii shalay ahayd, Mareykanka iyo Britain ayaa ka daadgureeyay qaar ka mid ah shaqaalaha militariga saldhig muhiim ah oo ku yaalla Qatar – taasoo sare u qaadeysa filashooyinka ah in Mareykanku uu arrinta soo faragelin karo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles