Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyaha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu ka bilaabmo Iran, “dabkiisu uu baabi’in doono dhammaan waddamada gobolka ee ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin.”

Mr. Abdollahi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in, si ka duwan hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, aysan Jamhuuriyadda Islaamiga ah sugayn natiijooyinka doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay Iran si “adag” uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) inay “u dhaqmayso sida yeey xiran maqaar ido,” wuxuuna sheegay in hadallada hay’addu ay ka bixisay xarumaha nukliyeerka ee Iran ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn.”

Mr. Abdollahi ayaa mar kale ku celiyay in Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay wajahdo “halis kasta.”

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles