Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa markale ka bilowday degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay magaalada iyo duleedkeeda laga dareemayay xiisad ka dhalatay khilaafka labada dhinac.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan tahay muranka siyaasadeed iyo kan amni ee muddooyinkii dambe ka jiray gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka iyo amniga deegaanka.

Wararka laga helayo Beled-Xaawo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan, oo si dhow ula safan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu ku sugan yahay deegaanka Xero-UK ee duleedka degmada, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamo iyo taageerayaal isaga garab taagan.

Dhanka kale, saraakiil isugu jira Boolis iyo Milatari oo dhawaan loo magacaabay howlaha amniga gobolka Gedo ayaa ka soo dhaqaaqay degmooyinka Doolow iyo Luuq, iyagoo u jihaystay Beled-Xaawo.

Saraakiishan oo shalay ka soo baxay Doolow ayaa xalay ku hoyday duleedka Beled-Xaawo, kaddib markii la isku maandhaafay inay gudaha magaalada soo galaan iyo in marka hore wada-hadal lala yeesho dhinaca Cabdirashiid Janan.

Xaaladda ayaa dhalisay walaac laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad hubeysan, iyadoo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ay bilaabeen dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda.

Odayaasha ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay labada dhinac u kala dab-qaadayay, iyagoo ku dadaalaya in xal wada-hadal ah lagu gaaro khilaafka soo cusboonaaday, isla markaana laga hortago gacan ka hadal.

Ilo ku dhow xaaladda ayaa sheegaya in dadaallada odayaasha iyo waxgaradka, iyo sidoo kale wada-hadallo dhinacyada qaarkood ay taleefanka ku yeesheen, ay ugu dambeyn keeneen in Cabdirashiid Janan uu ogolaado in saraakiisha Dowladda Federaalka ay gudaha Beled-Xaawo soo galaan.

Sida xogaha laga helayo deegaanka tilmaamayaan, saraakiisha ayaa la filayaa inay u gudbaan Xero-UK, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Cabdirashiid Janan.

Kulanka ayaa lagu doonayaa in lagu qaboojiyo xiisadda, isla markaana dhinacyadu uga wada hadlaan xaaladda amniga iyo arrimaha maamulka gobolka Gedo.

Haddii kulankaasi qabsoomo, wuxuu noqonayaa isku day lagu doonayo in looga fogaado iska horimaad hubeysan oo ka dhaca Beled-Xaawo, xilli magaalada ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Warar sheegaya hanjabaad duqeyn ah

Dhanka kale, waxaa jira warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xulafadiisa ay Cabdirashiid Janan ugu hanjabeen in la adeegsan karo duqeyn cirka ah haddii uusan ogolaan in saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay gudaha degmada soo galaan.

Hase yeeshee, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijinaya in hanjabaaddaasi ay dhacday. Sidaas darteed, xogtan ayaa weli ah war ay sheegayaan ilo ku dhow xaaladda.

Beled-Xaawo oo indhaha lagu hayo

Beled-Xaawo ayaa muhiimad gaar ah u leh dhinacyada siyaasadda iyo amniga, maadaama ay ku taallo xadka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay muddooyinkii dambe ahayd goob ay ka taagnaayeen khilaafaad u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa weli wada dadaallada nabadeed, iyagoo doonaya in xiisadda lagu xalliyo wada-hadal, isla markaana laga hortago in Beled-Xaawo ay mar kale noqoto goob uu ka qarxo dagaal siyaasadeed iyo mid ciidan.

Xaladda Beled-Xaawo ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo dhinacyada iyo shacabka deegaanka ay sugayaan natiijada wada-hadallada iyo tallaabada xigta ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles