Iran oo ka jawaabtay cunaqabeynta cusub ee Mareykanka ku soo rogay

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in cunaqabateynta cusub ee Maraykanku ku soo rogay Iran ay aad uga fog tahay dagaal dhaqaale oo sharci-darro ah oo lala galo hal dal oo keliya. Wuxuu ku tilmaamay cunaqabateyntaas “ku dhawaaqid dagaal” oo ka dhan ah dhammaan dowladaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Fars.

Baghaei wuxuu sheegay in cunaqabateynta cusub ay tahay “isku day uu Maraykanku doonayo inuu awooddiisa sharciyeed ee ka baxsan xuduudihiisa ku fidiyo dhammaan dowladaha madax-bannaan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.”

Wuxuu yiri:

“Dowladna xaq uma laha inay ku qasabto bangiyada, shirkadaha ama garoomada diyaaradaha ee dalal kale, kuwaas oo dhammaantood ku shaqeeya awoodda iyo madaxbannaanida dalalkooda, inay ka fogaadaan ganacsi sharci ah oo ay la sameynayaan dal saddexaad.”

Baghaei wuxuu ku dooday in cunaqabateynta labaad (secondary sanctions) aysan wax saldhig ah ku lahayn sharciga caalamiga ah, isagoo sheegay inay jebinayaan mabda’a aasaasiga ah ee sinnaanta madaxbannaanida dowladaha, kaas oo ku xusan Qodobka 2-aad, Farqaddiisa 1-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay cadaadiska dhaqaale “fal-dambiyeed caalami ah iyo fal khaldan”, wuxuuna ka digay in haddii cunaqabateynta lagu daro xannibaad badeed (naval blockade), ay madaxbannaanida dowladaha kale ka dhigi karto wax ku-meelgaar ah oo ku xiran rabitaanka iyo doonista awood kale.

Baghaei wuxuu intaas ku daray in haddii dowladuhu u hoggaansamaan cabsi-gelinta noocaas ah ay taasi horseedi karto “burbur buuxa oo ku yimaada madaxbannaanida qaranimada”, isla markaana ay noqon karto “dib ugu noqosho masiibo ah oo loo laabto gumeysi cad oo baaxad weyn.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles