Puntland oo si adag ugu hadashay duqeymihii ka dhacay deegaanka Garmaal

Wasaaradda Amniga ee maamulka  Puntland ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadashay xaaladda amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda iyo dhacdooyin milatari oo ka dhacay deegaanno Puntland ka tirsan.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay si adag uga soo horjeeddo falalka burcad-badeednimada, iyadoo xustay in kooxaha burcad-badeeddu ay khatar ku yihiin amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida Puntland, ayna qaadday tallaabooyin lagu sugayo amniga xeebaha iyo meelaha ay kooxahaasi ka howlgalaan.

Maamulka Puntland ayaa ka digtay in cid kale ay faragelin ku sameyso howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda, iyadoo sheegtay in ciidamada Puntland iyo shacabka deegaanka ay awood u leeyihiin wax ka qabashada kooxaha burcad-badeedda. Puntland waxay sidoo kale ku baaqday in dhinacyada ay khusayso ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga Puntland si loo helo xal waara.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Puntland waxay cambaaraysay duqeymo ay sheegtay inay ka dhaceen deegaanka Garmaal 18-kii iyo 20-kii Agoosto 2026. Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdooyinkaas aan lagala tashan Puntland, isla markaana ay dowladda ka jawaabi doonto tallaabo kasta oo ay u aragto inay wax u dhimayso amniga iyo madaxbannaanida maamulka.

Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii kordhin karta xiisadda, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay iskaashi lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles