Wednesday, February 18, 2026

Iran oo shaaca ka qaaday halkii lagu dilay taliyihii ciidamada cirka dalkaasi

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in taliyihii ciidamada cirka Iran, Amir Ali Hajizadeh, iyo taliyoyaal kale lagu dilay qolka howlgalada dagaalkii socday 12-ka maalmood.

Afhayeenka, Ali Mohammad Naeini, ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka Mehr u sheegay in sidoo kale taliye Hossein Salam lagu dilay xarunta ciidamnada.

Mr. Naeini wuxuu beeniyay “in layaab ku aheyd Iran” isagoo sheegay in cutubyo howlgala la diyaariyay si ay u qaadaan weeraro rogaal celis ah waxyar kaddib weerarkii Israel.

Wuxuu sheegay afhayeenka in weerarada gantaalada dib loo dhigay 10 ilaa iyo 12 saacadood, sababtuna ay aheyd si loo soo magacaabo taliye cusub oo madax u noqda Ilaalada Kacaanka.

Werarkii Israel ee dhacay goor subax hore ah 13-kii June, waxay Israel ku beegsatay saraakiil badan oo madax u ahaa ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo sidoo kale khubaro iyo saraakiisha barnaamijka nukliyeerka.

Isla markii uu weerarka dhacay saraakiisha ciidamada waxay xaqiijiyay geerida Major Janaraal Mohammad Bagheri, oo ahaa taliyaha ciidamada, Hossein Salam oo ahaa taliyaha ciidamada Ilaalada yo and Gholam Ali Rashid.

Qofkii ugu horeeyay ee geeridiisu sheegaan warbaahinta Israel waxa uu ahaa Amir Ali Hajizadeh, markaas kaddib ayey dowladda sheegtay.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Ramadaan

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi...

Madaxweyne xasan sheekh oo kulan la qaatay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo masuuliyiin kale oo maanta tagay Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles