Saturday, April 26, 2025

Israa’iil oo 19 qof ku dilshay Koonfurta Qasa

Ugu yaraan 19 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil habeenkii xalay ahaa ka fuliyeen koonfurta Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka maxalliga ah.

Wararka ayaa sheegaya in hooyo iyo afarteeda carruur ah lagu dilay markii xero barakacayaal oo ku taal al-Mawasi la duqeeyay. Sidoo kale, qoys kale oo isugu jiray waalid iyo carruurtooda ayaa ku naf waayay magaalada ku dhow ee Khan Younis.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro dhowr ah oo lagu beegsanayay dagaalyahanada Xamaas ee ka qeyb qaatay weerarkii 7-dii October 2023 ee ka dhanka ahaa Israa’iil, kaas oo sababay dagaalka Qasa.

Duqeymo dhimasho sababay ayaa sidoo kale laga soo sheegay bartamaha iyo waqooyiga Qasa, halkaas oo wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay sheegtay in guud ahaan 51 qof lagu dilay Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Maxa Looga Hadlay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka qabsoomo kulanka...

Midowga Afrika oo dalbaday $190 Milyan si loo Sii Wado Howlgalka Nabad-Ilaalinta Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika,  Maxamuud Cali, ayaa shaaca ka qaaday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Dalka Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Jubaland oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee DFS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubbaland...

Dalalka Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya oo Codsaday Kordhinta Awoodda Howlgalka AUSSOM

Shanta dal ee ciidamadoodu ka qaybqaataan Howlgalka Midowga Afrika...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 25/04/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles