Israa’iil oo ka qoomameymeyso weerar ay ka geysatay gudaha Gaza

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aad uga xumaaday ugana naxay weerar shalay oo Khamiis ah ciidamada Israa’iil ka geesatay magaalada Qasa, kaa oo la sheegay in lagu dilay saddex qof oo shacab ah.

Qoraal uu soo saaray Benjamin Netanyahu ,ayaa ku sheegay in dalkiisu aad uga xun yahay in hoobiyo lagu garaacay halka kaniisad ee kaatooliga ee kutaalla magaalada Qasa, waxaana kaniisadaasi lagu dilay saddex qof oo gabbaad ka dhiganayay dhismaha kaniisada.

Waxa uu sheegay in uu aad uga naxay ugana xunyahay in kaniisada ku dhintaan dad aan waxba galabsan, waxa uuna tacsi gaar ah u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka ciidamada Israa’iil ku qaadeen dhismaha kaniisada kutaalla Qasa.

“Naf kasta oo go’aday iyadoo aan waxba galabsan waa musiibo, waxaan murugada la qeybsaneynaa qoysaska  dadka ku dhintay kaniisada Qasa kutaalla” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, ayaa caddeeyay in baaritaanno lagu sameenayo weerarka ka dhacay kaniisadda kutaalla magaalada Qasa, waxa uuna ballanqaaday in ay ilaalin doonaan dadka rayidka ah iyo sidoo kale goobaha cibaadada.

Weerarkan Israa’iil ka geesatay dhismaha kaniisatada kaatooliga ee Qasa , ayaa shalay oo Khamiis aheyd ka dhacday magaalada Qasa, waxaana dad badan layaab ku noqotay in Israa’iil ka naxdo geerida saddex qof oo kaniisad lagu dhax dilay, halka maalin kasta ay disho boqolaal Muslimiin shacab ah oon waxba galabsan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles