Wednesday, June 24, 2026

Israa’iil oo weerar ku qaadday Xuutiyiinta Yemen

Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqeymo ka geysatay saddex dekadood iyo xarun koronto oo ku taalla dalka Yemen oo ay Xuutiyiintu maamulaan.

Weerarrada lagu qaaday dekedaha Xudeydah, Ras Isa iyo Saif ayaa yimid wax yar kadib markii militariga Israa’iil ay ku boorriyeen dadka rayidka ah ee ku sugan aagaggaas in ay isaga guuraan, iyagoo ka digay duqeymo xagga cirka ah.

Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyay in bartilmaameedyada uu ku jiro markabka ganacsiga ee Galaxy Leader. Markabkan oo ay kooxda fallaagada afduubatay sanadkii 2023-kii, ayaa waxaa loo adeegsan jiray in lagula socdo maraakiibta mara biyaha caalamiga ah, ayay Israa’iil sheegtay.

Duqeymaha kadib, militariga Israa’iil ayaa sheegay in labo gantaal laga soo tuuray Yemen, lana isku dayay in laga hortago.

WARARKII KALE

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles