Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya, iyada oo ku biirinaysa dagaalka xilligan ka socda woqooyiga dal kaas ka socda.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay la baxayso in ka badan saddex kun oo askari oo ku sugan gobollada Baay iyo Bakool, islamarkaana loo qaadi doono deegaannada Tigray, Axmaara & Cantarta ee Itoobiya.
Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa kadib markii kulankii magaalada Addis Ababa uu ku dhexmaray ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Kumanaan Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo aan ka mid aheyn howlgalka AUSSOM ayaa ku sugan Soomaaliya.


