Wednesday, February 18, 2026

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga joogtada ah ee xiriirka arrimaha dibadda iyo amniga ee golaha shacabka, ahna guddoomiyaha kooxda iskaashiga baarlamaanka Itoobiya iyo Midowga Yurub oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dagaal lala galo Eritrea aysan dani ugu jirin dowladda iyo shacabka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in aysan jirin rabitaan ama aysan Itoobiya diyaar u ahayn dagaal inkastoo xiriir iyo “dhaqdhaqaaq sharci darro ah” ee socda ay sii kordhinayaan colaadda.

Arrinta ku saabsan in Itoobiya ay hesho bad ayaa weli ah dhibaato ka taagan geeskaAfrika sannadihii u dambeeyay iyo ajande caalami ah oo ku wajahan waddamada deriska ah.

Danjire Dina ayaa sheegay in deked la’aanta ay caqabad ku tahay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in dadaallada nabadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee lagu gaarayo arrintan ay sii socon doonaan maadaama marinka badda uu sidoo kale muhiim u yahay mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aqoonsiga hal...

RW Xamsa oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Trump oo booqan doona Venezuela

Kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo afmeeray...

Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dunida Muslimka oo maanta sooman

Malaayiin qof oo ku nool daafaha dunida ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles